Ciidamada nabad-sugida oo howlgal ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Muqdisho : HN :–  Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa maanta ilaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ka sameeyay howl gallo baaritaano ah, iyadoo howl galkan intii uu socday lagu soo qabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Howl galkan oo ahaa gur guri ayaa laga sameeyay qeybaha bari ee degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Kaaraan, halkaasoo cutubyo ka tirsan Ciidamada Nabadsugida goobo ay tuhunsan yihiin baaritaano ka sameeyay.

Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay, iyagoo baaryaay guryaha, waxaana ay ka soo qabteen hubka fud fudud iyo qalab ciidan.

Sidoo kale ciidamada Nabadsugida ayaa howl gal ka sameeyay qeybta galbeed ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, waxaana ay ciidamada si lanabad-sugida mid ah xaafadaha ku yaal u baareen guri guri, iyagoo soo helay hub iyo waxyaabo kale.

Howl galadan ayaa ciidamada waxay ku baadigoobayeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay guryaha ka raadinayeen, waxaana howl galkan uu qeyb ka yahay mid hey’adaha ammaanka ay mudooyinkan ka wadeen degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta bur buriyay ilaa labo guri oo ku yaal xaafada Gubta ee degmada Dayniile, kadib markii maalin ka hor laga helay hub iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo gurigaas gebi ahaanba dhulka lagu daray.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa go’aano ay soo saareen dhowaan waxay ku sheegeen in gurigii laga helo, hub iyo waxyaabaha qarxa lala wareegi doono.

Hiiraan Net

 
 
 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!