Ciidamada nabadsugida ayaa markale maanta albaabada isugu dhuftay idaacada Shabeele

by admin | Saturday, Apr 4, 2015

Muqdisho: HN:– Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw waxa ay albaabada isugu dhufteen idaacada Shabeelle ee magaalada muqdisho.

Ciidamada ayaa Sidoo kale waxa wateen qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada Shabeelle oo halkaasi ku sugnaa iyagoona la sheegay in ay qaateen Kumbuyuutaro u yaalay idaacada iyo qalab kale.

lama oga sababta keentay in mar kale hawada laga saaro Idaacada Shabeelle oo bishaan gudaheeda hawada ku soo laabatay isla markaana sidoo kale la wato Shaqaalaha Idaacada oo Maalmo ka hor laga soo daayay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Idaacada Shabeelle ay Xalay baahisay Codka Afahayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo horay Hay’adaha amaanka Dowlada ay war kaga soo saareen isla markaana loogu digay Idaacadaha Muqdisho iney baahiyaan ama qaataan Codka Madaxda Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa todobaadkaan gudihiisan Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ka watay Weriye ka tirsan Idaacada GoobJoog ee Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu Magacaabo Kalgacal oo aan ilaa hada Dowlada aysan cadeyn waxa uu ku xeran yahay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!