Ciidamada Sierra Leone oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Kismaayo

by admin | Monday, Jan 12, 2015

Kismaayo : HN :  –Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa munaasabad sagootin ah loogu sameeyay ciidammada ka socda dalka Sierra Leone, kuwaa oo la fillayo in ay ka baxaan dalka Soomaaliya.

Munaasabada oo ay kasoo qeyb-galeen qaar kamid ah saraakiisha hogaamineeysa ciidamada SIeraleone eek u sugan Jubooyinka, madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere iyo weliba xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax201511263556652797525100020150111_141232 Darwiish, waxa uuna sheegay in ciidamada Sieraleone eek u sugan Jubooyinka ay qeyb weyn ka qaateen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubooyinka, isagoo mahadcelin u jeediyay dowladda wadankaasi Sieraleone.

Madaxa maamulka Jubbaland ee madasha ka hadashay ayaa dhammaantood si isku mida ugu mahadceliyay ciidamada Sieraleone eek u sugan Jubooyinka, kuwaasoo ay ku amaaneen in ay kaalin weyn ka qaateen nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya.

Gen. Alio oo ah taliyaha ciidamada AMISOM qeybta Kismaayo oo isna madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay xafladda sagootinta ah ee loo sameeyay, isagoo sheegay in aysan ilaabi doonin sida loogu soo dhaweeyay gobollada Jubooyinka.

Ugu danbeyntii madaxweeyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in aysan marnaba ilaabi doonin howlaha ay ciidamada Sieraleon ka qabteen Jubooyinka mudadii ay ku sugnaayeen,  isagoo u rajeeyay in uu Alle ka dulqaado cudurka dilaaga ah ee ka sameeyay dalkaasi.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah saraakiishii ka socotay ciidamada Sieraleone ee goobta ku sugnayd.

Ka bixitaanka ciidamada Sieraleone ee Soomaaliya ayaa ka danbeeysay kadib markii dalkaasi uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee EBOLA, kaasoo galaaftay nolosha dad aad u badan, waxa ayna arintaasi keentay in ay badal waayaan ciidamadii dowladda Sieraleone uga sugnaa Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!