Ciidamada Talyaaniga oo badbaadiyay kumanaan muhaajiriin ah

by wadani | Thursday, Oct 6, 2016

Muqdisho : HN :-Waxaa sii kordhaya tirada dadka Afrikaanka ah ee dalalkooda ka haajiraya, kuwaasi oo miciin bidaya nolol wanaagsan inay ka helaan dalalka Yurub, balse Naftooda ayaa waxa ay gelinayaan Khatar u dhaxeysa Nolol iyo Geeri Xanuun badan oo Su’aal ay daba taal.

Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sheegay 30 Hawlgal oo lagu soo badbaadiyey in ka badan 4,650 Tahriibayaal oo la socotay 33 dooni oo 27 ka mid yihiin kuwa Cinjirka ee la buufiyo ay ka sameeyen Biyaha Badda Qatarta Badan ee Kumanaan ruux liqday.

Dadkaan la badbaadiyay ayaa intooda badan ka soo kala jeeda dalalka, Somaliya, Ethiopia, Sudan iyo Eretria, qaar ka tirsan dalalka kale ayaa ka mid ah dadka la badbaadiyay, balse dadka ugu badan ayaa ka soo kala jeeda dalalkaasi.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Talyaaniga waxay kaloo sheegeen inay heleen maydadka 28 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaasi ka soo shiraacday Xeebaha dalka Libya oo 290 KM u jirta Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

 Dhibaatada ugu badan ee Tahriibayaasha naftooda halista gelinaysa ayaa ah inay isku aaminaan Doon ka sameysan Cinjir aariyeysan, taasi oo hadii ay wax mudaan gabi ahaanba Naqaska uu ka baxaayo, kadibna sidaasi ay halis ku galayaan Boqolalka ruux ee saaran.

Sawiro ay soo qaadeen ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa laga dhex arkaayay Ilmo ka yar oo ka mid ah Dadka badbaadada loo sameeyay, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka Tahriibayaasha.

Tiradda Guud ee Tahriibayaasha la badbaadiyey 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey waxay gaarayaan in ka badan 10,000 oo qof.

tahriib-5 tahriib-5jpg tahriib-5jpg-jpg-6 tahriib-2 tahriib tahriib-jpg-9 tahriib-jpg-10 tahriib-jpg-11 tahriib-jpg8 tahriib-jpg12 tahriib3 tahriib4 tahriib7

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!