Ciidamadii isku hordhiyay magaalada Gaalkacyo oo lagu guuleystay in la kala qaado

by wadani | Friday, Nov 18, 2016

Gaalkacyo : HN :-Guddiga dhex-dhexaadinta colaadda Puntland iyo Galmudug oo uu horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa waxay Maanta ku guuleysteen inay kala qaadaan Ciimada Labada maamul ee Todobaadyadii lasoo dhaafay isku hor fadhiyay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Labada Ciidan ayaa masaafo mid dhowr KM ah ka ruqaansaday halka ay isku hor joogeen oo ah Dooxada Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay qudbado ka jeediyeen masuuliyiintii iyo ergadii ku howlanayd nabadaynta Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ka barakacay Magaalada ayaan weli kusoo wada noqon Guryahooda, maaddaama ay dhowr goor oo hore bur-bureen xabbad joojinno halkaasi laga gaaray, waxanay Saraakiisha Labada dhinac ballanqaadeen inay xakamaynayaan Ciimadooda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!