Ciidammada AMISOM oo isaga baxay deegaanka Fiidoow iyo Al-shabaab oo la wareegay

by admin | Friday, Nov 13, 2015

Sh/dhexe : HN :–Ciidamadii AMISOM ee ayaa isaga baxay  deegaanka Fiidoow oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe  waxaana Al-shabaab ay sheegatay inay si nabadgalyo ah kula wareegtay deegaankaas.

Mid ka mid ah mas’uliyiinta maamulka ee gobolka Sh/dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in AMISOM, isaga baAMISOM_Force_Somaliaxeen deegaanka Fiidoow, laakiin ma uusan sheegin warar sheegayaa in deegaankaa ay la wareegeen Al-shabaab.

“Waxaan xaqiijinayaa in ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa deegaanka Fiidoow ay xalay illaa saaka isaga baxayen deegaankas, balse ma ogi wararka ku saabsan in Al-shabaab ay la wareegtay gacanta ku haynta deegaankaas,” ayuu yiri Saalax Xaaji.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa warar ay soo dhigeen baraha taageera ku sheegtay in boqollaal ciidamadooda ah ay la wareegeen deegaanka Fiidoow, iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

“Boqollaal ciidamadeena ka tirsan ayaa si nabadgalyo ah kula wareegay Fiidoow, waxaana calanka madow ee towxiidka la suray saldhiggii ay AMISOM halkaas ka deggenaayeen, tanna waa mid ciriiri hore leh gelinaysa ciidamada shisheeye ee ku sugan Somalia,” ayaa lagu yiri war kooban oo ay Al-shabaab barahooda soo dhigtay.

Dhanka kale, mar la weydiiyay guddoomiyaha degmada Mahadaay oo ay Fiidoow hoos-tagto sababta ay ciidamadii AMSIOM uga baxeen deegaanka iyo in lagu soo war-geliya, ayaa ku jawaabay.

“Runtii aniga waxba igu ma soo war-gelin, laakiinse way ka baxeen, waxaana filayaa in wararka ku saabsan sababta ay uga baxeen ay u gudbiyeen taliska dhexe ee AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeellada Dhexe.”

Ugu dambeyn, xukuumadda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku sugan AMISOM ayaan weli ka hadlin ka bixitaanka ciidamadu ay uga baxeen deegaanka Fiidoow, iyadoo deegaanka uu ka mid ahaa deegaannadii ciidamada dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen sannadkii hore.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!