Ciidammada AMISOM oo isaga baxay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

by admin | Saturday, Sep 5, 2015

Sh/hoose : HN :–Ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeendegmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel-saliindi oo kawada tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia.

Ciidammada ayaa ka guuray laba saldhig oo ay ku lahaayeen deegaannadaas, sida dadka degen goobahaas ay u sheegeen Warbaahinta, iyagoo intaas ku daray in ay ka daad-gureysteen saldhigyadaas agabkii millateri ee u yaallay.

Sidoo kale, Degmada Kuntu-waarey ayaa ka mid ahayd Degmooyinkii Sannadkii lasoo dhaafay ay ciidamadani ka qabsadeenAMISOM Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

Deegaanka Ceel-saliindi oo ahaa deegaan isku xirayay Shalanbood, Marka iyo Deegaanno kale oo Gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan ayaa la sheegayaa in xalay saqdii dhexe ay ciidamada AMISOM isaga baxeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanadaas la wareegay isla saakay, waxaana ay u khudbeeyeen dadka deegaanka, iyagoo ku goodiyay inay sii wadayaan weerarada ay u geysanayaan Ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn, ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo DF Somalia oo ku aaddan ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Deegaannada ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo toddobaadkii hore ay Al-shabaab ku qaaday Weerar khasaare badan geystay saldhigga AMISOM ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!