Ciidammada badda oo u dabal-gay sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay

by admin | Tuesday, Feb 10, 2015

Muqdisho : HN :– Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta xusay sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay oo ku beegnayd sannadkii 1965-kii, inkastoo uu burbur xooggan ku yimid markii la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabadda xuska aasaaskii ciidamada badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiil kala duwan oo ka socda ciidamada dowladda sida kuwa millateriga, cirka iyo badda, iyadoo uu goob-joog ka ahaa sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin ka socday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Ciidamada badda Somalia ayaa soo bandhigay intii xafladdu socotay gaaddo-ka-ciyaar iyo dhoolla-tus ay ku muujinayeen tababarka la2015210635591591738798843IMG_10391 siiyay sida ay uga howl-geli karaan xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, Admiral Maadey Nuurey Sheekh (Ufurow) oo ka jeediyay khudbad munaasabadda ayaa hambalyo u diray ciidamada badda Somalia, isagoo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen ciidamada badda tan markii la aasaasay.

Ugu dambeyn, Admiral Ufurow ayaa fariin u diray madaxda dowladda Somalia; isagoo ka dalbady in ciidmadda badda ay u baahan yihiin tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda, wuxuuna xusay inay xaalad adag ciidanku ku shaqeeyaan; aysanna ka muuqan xirfadii iyo aqoontii ciidamadii hore ee badda Soomaaliya lagu yiqiinnay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!