Ciidammada booliiska oo soo bandhigay dhuula-tus la ay soo bandhigayeen awoodooda

by admin | Wednesday, Jun 17, 2015

vlcsnap-2015-06-17-14h13m41s72Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed oo wehliyaan taliyaha ciiammaada booliiska Soomaaliya Jen Max’ed Xassan Xaamud,iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta ka qeyb-gallay munaasabad ay ciidammada booliiska Soomaaliyeed ku soo bandhigayeen awoodooda ciidan.

vlcsnap-2015-06-17-14h25m25s202Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa diyaar-garoow xoog leh ugu jira siddii ay uga hortagi lahaa falal amaan darro inta lagu guda-jiro bisha Radamaan, maadaama inta badan Al-shabaab weeraro xoogan ka geystaan caasimada mudada lagu jiro Bisha Ramadaan.

Wasiirka ayaa ku amaanay ciidammmada awood dheeraadka ah oo ay muujinayaan iyo waliba sidda ay diyaarka ugu yihiin sugida ammniga caasimada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!