Ciidammada booliiska Soomaaliya oo ka foojigan weeraro ay geystaan Al-shabaab bisha Radamaan

by admin | Friday, Jun 19, 2015

Muqdisho : HN :–Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay heegan ugu jiraan, sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay soo qaadaan Al-Shabaab bisha Ramadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka digtoon yihiin weerarada Al-Shabaaxaamuudb doonayaan in shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateen, waxaana uu xusay in ciidamadana xaqiijin lahaa amniga ay Muqdisho ka shaqo bilaabeen.

“Ciidamada waxay heegan ugu jiraan, sidii nimankaas nabad diidka ah ee bisha Ramadaan marka la gaaro weerarada soo qaada sidii looga hortagi lahaa, waxaana diyaar u nahay inaan shacabka garab istaagno”ayuu yiri Jen. Xaamud

Jen. Xaamud ayaa sheegay in ciidamada booliska ay baro kala duwan ku leeyihiin magaalada Muqdisho, si ay u sugaan amniga, waxaana uu tilmaamay in ciidamada ay ku dadaalayaan sidii ay weerarada uga hortagi lahaayeen.

Ugu danbeyntii Al-shabaab ayaa ku hanjabtay in kordhin doonto weerarada bisha Ramadaan, waxaana shalay oo bisha Ramaan ay aheyd maalintii koowaad weeraro ka geysteen degmada Cadaado, duleedka degmada Luuq, iyadoo xalay weeraray saldhigyo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!