Ciidammada dowladda oo la wareegay deegaanka Buula-gaduud

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

J/hoose : HN :-Ugu yaraan lix dagaal-yahan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhintay weerar ay wada-jir u fuliyeen ciidamada AMISOM iyo ciidanka militariga Soomaaliya,sida lugu sheegay war ka soo baxay AMISOM.

Howlgalka oo la fuliyay galinkii dambe ee Jimcihii shalay,waxaa la sheegay inuu ka dhacay  deegaanka Buula-gaduud oo u jirta 35-km magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,Joe Kibet ayaa wakaalada wararka Xinhua ee dalka Shiinaha u sheegay inay ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buula-gaduud.

Wuxuu intaa ku daray in hub ay ka qabsadeen xarakada al-Shabaab. Wuxuu raaciyay in wax khasaare ah uusan AMISOM soo gaarin intii hawlgalku socday.

Ururka al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageerra la-dagaallama wax war ah wali kama soo bixin oo looga hadlay,dilka askarta ka tirsan iyo la wareegida deegaanka Buula-gaduud.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!