Ciidammada dowladda iyo AMISOM oo howlgal ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha

by admin | Wednesday, Apr 29, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgal ballaaran ka sameeyay xaafaddaha deegaannka Ceelasha biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir u fulinayay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM, iyagoo baarayay guryaha deegaankaas ku yaalla, halkaas oo ay kala soo baxayeen dhallin-yarada ay ka shakiyaan.

Ugu yaraan 207-qof ayaa howlgalkan lagu qabqabtay kuwaasoo barxad ku taalla Ceelasha Biyaha la isugu geeyay, halkaasoo lagu kala saaray, sida saraakiishii hoggaaminayay howl-galkan ay u sheegeen warbaahinta.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid ay ku baadi-goobayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uuceel sheeggay inay ku dhuumanayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

“Waxaa howlgalkan ka qaybqaatay ciidamada dowladda Somalia sida booliiska iyo nabad-sugidda iyo ciidamada AMISOM, wuxuuna ahaa mid saraakiil goobahaas ku dhuumaaley-sanayay lagu baadi-goobayay. Dad badan ayaa lasoo qabqbatay kuwaasoo qaarkood la sii daayay markii la aqoonsaday, kuwa laga shakisan yahayna baaris dheeraad ah ayaa lagu sameyn doonaan,” ayuu afhayeenka wasaaradda amniga.

Ugu dambeyn, howlgalkan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa oo laga sameeyo Ceelasha Biyaha tan iyo intii ay shacabku ay dib ugu laabteen; waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay saameyn ku yeesheen howlgallada.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!