Ciidammada dowladda iyo AMISOM oo howlgalo ka wadda Ceelasha Biyaha

by admin | Friday, Jun 5, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa xalay howl gal wada jir ah ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo howl galkan ciidamada ay mid mid ugu galayeen guryaha, dabadeedna dad la tuhunsan yahay ka baadi-goobayay.

Howlgalka waddajirka ah ee ciidammada oo nooqnaya kii labaad oo deegaankaas laga fuliyo ayaa waxay ciidamada ay meel banaan ah isugu keeneen ilaa 155 ruux oo dhalinyaro iyo dad waa weyn isugu jiray, kuwaasoo markii dambe sideed ruux ka soo reebay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in howl galkan uu qeyb ka yahay howl galada amniga lagu sugayo, waxaana ayhowlgallo tilmaameen inay baadigoob ugu jiraan kooxo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamada isku gedaameen xaafadahooda, kadibna guryaha la baarayay, inkastoo aan wax hub ah lagu soo qaban, hadana waxay sheegeen in howl galkan uu saameyn iyo cabsiba ku reebay.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa mudooyinkii u dambeeyay kordhiyay howl galada amniga lagu sugayo, inkastoo mararka qaar ay dhacaan qaraxyo iyo weeraro kala duwan.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay ka baxday Caasimada Muqdisho sanadkii 2011, waxay waday weeraro isugu jiray qaraxyo iyo toogasho oo ay ka geysaneysay gudaha magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!