Ciidammada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Halgan

by admin | Friday, Aug 7, 2015

Beledweyne : HN :–Wararka naga soo gaaraya deegaannada howlgalada ka socdaan ee gobolka Hiiraan, ayaa shegaya in ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM hormar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliyaha Sagtarka Afaraad ee AMISOM Col Cabdow oo la hadlay idaacada BBC ayaa shegay in ciidamada dowl63647_NpAdvHoverada soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si nabad ah kula waregen degaanada Halga iyo garasyaani.

‘Meelaha qaar waxaa jiray dagaallo goos goos ah nagu soo qaadeen Al-shabaab balse wax qasaara aha nagama soo gaarin laakin ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa u suurta gashay iney qabsadaan degaana dhowr ah waxaa gubnay gaadiid dagaal oo ay la haayen al.shabaab waxa u adegsanay diyaaradaha dagaalka ee AMISOM si aan ugu xureyno goob kasto’’ayuu yiri Col’Cabdow.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarna oo ay qaadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada soomaaliya ee al.shabaab looga saaro degaana ka tirsan gobolka hiiraan waxana ujedka Howlgalkai uu yahay mid la donayo in lagu furo wada isku xirta Beledweyne iyo Buulo burde oo al.shabaab ay godomiyen tan iyo markii lagala waregay gacan ku haynta Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!