Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo goor dhaw gudaha u gallay degmada Baardheere

by admin | Wednesday, Jul 22, 2015

Baardheere : HN :–Ciidammada isgarabsanaya ayaa goor dhaw lagu waramaya in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida ay sheegayaan ciidamada gudaha u galay degmada Baardheere ayaa ka yimid dhanka Ceel Waaq, kuwaasoo qeyb ka ahaa Ciidamo dhowr jiho kaga soo wajahnaa Baardheere.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa sheegay in abaarihii 2-dii duhurnimo ay gudaha uCiidamada-Dowladda-oo-aan-kiel1 galeen Baardheere, isagoo xusay in qeybta kalena ay sugayaan inay soo galaan Ciidamada kale.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidammada dhowr jiho ka soo kulaalayay degmada Baardheere, waxaana ay la kulmayeen dagaalo culus iyo weeraro dhaba gal ah.

Sidoo kale ciidamada ka qeyb qaadanayay howl galka lagu qabtay Baardheere ayaa ka kala socday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa oo muddo todobo sano ku dhow maamulayay Baardheere ayaa isaga baxay, markii culeys badan uu dhowr jiho uga yimid.

Degmada Baardheere ayaa ah degmo istiraatiiji ah oo xuduud la leh Gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe oo gebi ahaantiis gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaa mara Wabiga Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!