Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgal ka wadda magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Aug 6, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada nabad-sugida dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa howlgalo ka wadda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka uu saameeyay dhaqdhaqaaqii guud ee Xaafada Zone K, waxaana lagCiidamada-Dowladda-oo-aan-kiel1u soo warramayaa in dad kor u dhaafaya 50-ruux lagu soo qab-qabtay howlgalkan.

Howlgalkan oo billowday Xalay Saqdii-dhexe ayaa waxaa Hoggaaminayay xubno ka tirsan saraakiisha nabad-sugidda Qaranka, Waxaana ciidamada ay mid mid u baarayeen Guryaha.

Goob-joogayaal ku sugan Zone K oo warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay inay saaka aroortii xaafadahooda soo galeen ciidammo fara badan irdaha u taagan; xaafadda oo dhanna buuxiyay.

Sidoo kale, Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ciidamada ay meelaha Qaar ka heleen hub iyo walxaha qaraxa, iyadoo howlgalka kaddib lagu wado inay saraakiisha hoggaaminaysa ka warbixiyaan.

Ugu dambeyn, Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegay inay Xoojinayaan howlgallada Amniga lagu xaqiijinayay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka wadeen Howlgallo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!