Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgal wadda jir ah ka wadda jidadka Muqdisho

by admin | Wednesday, Jul 8, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa bilaabay howl gallo wada jir ah oo amniga lagu sugayo, kaasoo ay ka wadaan Wadooyinka Muqdisho.amisom-boolis-7

Ciidamada wada jirka ah ayaa horay howl gallo roondeyn ah ka sameyn jiray xilliyada habeen degmooyinka Muqdisho, hase ahaatee tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan howl gallo maalin ah ka sameeyaan wadooyinka.

Wadooyinka muhiim ah iyo isgoysyada ayaa lagu arkaa ciidamada oo wadada taagan, isla markaana feejigan, waxaana ay la howl galaan ciidamada booliska Soomaaliya.

Isgoyska KM4 ayaa ka mid ah meelaha ciidamada ka sameeyaan howl galada amniga lagu sugayo, iyagoo baaraya gawaarida gaarka loo leeyahay.

Howl galka Ciidamada Milateriga AMISOM waxaa qeyb ka ah Ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM, waxaana boqolaal askari oo Boolis AMISOM ah ka kala socdaan dalalka Nigeria iyo Uganda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!