Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sii siqaya degmada Baardheere, Gedo

by admin | Wednesday, Jul 15, 2015

Gedo : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo is garabanaya ayaa lagu waramayaa in ay ku soo dhawaanayaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaa oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay saddex wado ku socdaan, iyagoo doonaya inay hareereeyaan magaalada, si ay culeys ugu saaraan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada uuciidamada-dowlada qasadkooda yahay inay la wareegaan Baardheere.

“Saddex wado ayay ciidamada ka kulaalayaan, wadada ka timaada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay, Wadada Buurdhuubo iyo dhanka Fafax-dhuun ayay ciidamada ka soo kulaalayaan, waxayna u jiraan 60-Km, waa tallaabo waa tallaabo waxay ciidamada ugu dhaqaaqayaan halkaas”ayuu yiri Fartaag.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay saanadooda u dhan tahay, isla markaana Al-Shabaab ay ka saari doonaan.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan, waxaana ay cabsi ka qabaan in lagu dul dagaalamo, waxaana Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo arrintaas ka hadlay uu ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaq dhaqaaq ka wadaan Baardheere, waxaana dagaalyahano iyo gaadiid dagaal ay u direen duleedyada degmada ee furimaha dagaalka.

Ugu danbeyntii degmada ayaa ah Baardheere degmo istiraatiiji ah, isla markaana uu maro wabiga Shabelle ayaa xuduud la leh Gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe, waxaana haddii Ciidamada huwanta la wareegan ay macno u sameyneysaa sidii ay ugu gudbi lahaayeen Jubbadda Dhexe oo guud ahaan Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!