Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Toora-tooroow

by admin | Tuesday, Jun 2, 2015

Sh/hoose : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya oo wehliyaan kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Toora-tooroow ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka, kadib markii ay isaga baxday Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab intii mudaba ay u aheyd Toora-Toorow saldhig ay uga duulaanAl-shabaab-Somalia deegaanada kale ee ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in degmada Sablaale kaliya ay ku hartay gacantooda, iyadoo inta badan deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan duulaan ballaaran oo ku wajahan deegaanada Shabeellaha Hoose iyo deegaanada kale ee deriska la ah.

Bishii la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab weeraro ku qaaday deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak oo dhowr jeer inta ay qabsatay isaga baxday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!