Ciidammada dowladda maamulka gobolka Hiiraan oo howlgal ka bilaabay gobolka

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Beledweyne : HN :– Ciidammada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa
subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay deegaannada wali ku sii harsan gacanta xoogagga Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in howlgalkan uu qeyb- yahay qorshe la doonayo in go’doominta looga qaado degmada Buula-burte.

Xiyaarada xarrakada Al-shabaab ay ku soo rogtay degmada Buula-burte  ayaa saameyn weyn oo dhinaca nolasha ah ku yeellatay  dadka ku dhaqan degmada, kuwaa oo la sheegay in qaarkood ay macaluul geeriyoodeen.

Ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa durbaba gaareen deegaanno dhinaca galbeedka magaalada ah ooBeledWeyne horay ay u maamulayeen Al-shabaab, iyaga oo ku sii jeedda deegaannada ku dhaw-dhaw degmada Buula-burte ee saldhiga u ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhawaan shir jaraa’id ku sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabeyn doonno go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan degmada Buula-burte.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!