Ciidammada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Muqdisho : HN :– Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka ayaa la wareegay deegaannada Jannaay Cabdalla, Far-waamo iyo kuwo kale oo ku teedsan webiga Jubba, sida ay u sheegeen warbaahinta saraakiil ka tirsan ciidamada isbahaysanaya.

Deegaanadan oo ay ka talinaysay Al-shabaab ayaa la sheegay in dagaallo ka dhacay kaddib ay ciidamada u suurogashay inay la wareegaan, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka deegaannadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada isbahaysanaya ayaa sheegay inaysan iska-caabbin xooggan kala kulmin xoogaggii Al-shabaab ee dagaalka ku jirayCiidamada-Dowladda, waxayna intaa ku dareen inay ku raad-joogaan xoogaggii Al-shabaab ee goobahaas ka talinayay.

Xarakada Al Shabaab ayaa weli ka talinaysay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka, kuwaasoo uu ku jiro gobolka Jubbada dhexe oo ay si buuxda dhammaantiis gacanta ugu hayaan.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa horay ula wareegay deegaanno Jubbada Hoose ka tirsan oo ay ku jirto Buulo-guduud oo qiyaastii 30-km waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!