Ciidammada dowladda oo dillay taliye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Shabeellaha hoose : HN :– Hogaamiyihii Al-shabaab ee degmada Kurtunwaarey, Ibraahim Fiiley ayaa lagu  warmayaa in lagu dillay iska hormaad dhaxmaray dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammada dowladda.

Waxaa lagu dilay tuulada Maduurow oo dhanka galbeed 10 km ka xigta Golweyn oo hoos tagta isla degmada Kurtunwaarey, waxaana lala dilay saddex ka tirsaneyd ilaaladiisa.

G/dhexe Xasan Maxamed Abuukar oo ah taliyaha guutada saddexad ee ciidamada xoogga dalka ayaa u xaqiijiyay7 saxaafada dhimashada taliyahan ka tirsanaa ciidamada Alshabaab.

Sidoo kale G/dhexe Xasan Maxamed ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Kuntuwaarey aya ku dileen Ibraahin Fiiley iyo saddex ka mid ah ciidamadiisa.

Illaa hadda wax war ah kama soo bixin ururka Alshabaab ee ku saabsan dhimashada hogaamiyahoodii degmada Kuntuwaarey.

Labo habeen kahor ayay ahayd markii duqeyn xagga cirka ah lagu diley taliyihii ciidamada sirdoonka ururka Alshabaab deegaan ka tirsan degmada Saakow.

Ibraahim Fiiley ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyadii Al-Shabaab ee ciidanka Faransiiska kula dagaallamay deegaanka Buulo-mareer.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!