Ciidammada dowladda oo gacanta ku dhigay rag toogasho ku dilay nin oday ah [Sawirro]

by wadani | Wednesday, Nov 2, 2016

Muqdisho : HN :-Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo toogasho ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Nabadoon lagu magacaabi jiray Nd. Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi, sida ay SONNA u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada degmada oo kaashanaya Shacabka ayay u suurtagashay in ay maleeshiyadaasi dhaawacaan, isla markaasna gacanta ku dhigaan sida uu
SONNA u xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo
Maleeshiyada iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka.

Tallaabada ay qaadeen ciidammada degmada Wadajir oo kaashanaya Shacabka ayaa si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana la sii dhiirigeliyey
in la sii xoojiyey iskaashiga noocaan oo kale ah ee looga hortagayo dhagaraha  ay maleegayaan Maleeshiyaadka Argaggixisada ah.

sonna1 sonna3 sonna4 sonna5 sonna6

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!