Ciidammada dowladda oo howlgal ka fuliyay qeybo ka mid ah xaafaddaha Beledweyne

by wadani | Saturday, Nov 12, 2016

Beledweyne : HN :-Ciidamada dowlada Federaalka Somalia ee gobolka Hiiraan  ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo sugida aminga subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabay Xaafadda Bundo weyn iyo howlwadaag ee Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Intii uu howlgalkan socday, waxaa hakad gallay isku socdka gadiidka iyo dadka u kala googasha Xaafaddaha Magalaada Baladweyne iyado ciidamada ay baarayeen gadiidka iyo  guryaha ku yaala Xaafaddaha Howlgalka laga fuliyay.

Ciidamada dowlada Federalka ee gobolka Hiiraan ayaa Xaafaddaha ay howlgalka ka fuliyeen ka soo qab qabtay dhalinyaro  la tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin kooxaha falalka amaan darro xiiyad qaar ka geystay Baladweyne iyo hub kala duwan oo laga soo qabtay guryaha ku yaala Xaafaddaha Bundo weyn iyo howlwadaag.

Ugu danbeyntii, saraaakiisha ciidammada dowlada ayaa ilaa hadda wax faah faahin ka bixin howlgalkan lagu soo qab qabtay hubka iyo dhalinyarada mana jirto tiro rasmi ah oo ilaa hadda la xaqiijin karo oo howlgalkan lagu soo qab qabtay,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!