Ciidammada dowladda oo howlgal ka sameeynaya qeybo ka mid ah Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadan oo ku sugan inta badan isgoysyada wadooyinka muhiimka ah waxay baaritaan si feejignaan ku dheehan tahay ku sameynayan gaadiidka.

Howl galladan oo ah kuwo ka adag kuwii hore ayaa ciidamo afka u duuban oo ka tirsan ciidammada nabadsugida ayaa lagu arkayay isgoysyada muhiimka ah, waxayna laamaha amniga dowladda ku tilmaameen in howl galkan lagu xaqiijinayo amniga.

Col Khaasim Axmed Rooblle afhayeenka hay’addaha ammniga ayaa sheegay in howl galladu si caadi ah u socdaan habeen iyo maalin,ciidamada-ammaanka isla markaana si guud ammaanka caasimada loo xaqiijinayo, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay fashiliyeen weeraro la damacsanaa.

“Howl galladu ma xadeysna, habeen iyo maalin ayay socdaan, ciidamadana amniga waxay u taagan yihiin sugida nabadgelyada, ilaa iyo hada waxaa la fashiliyay dhowr weerar oo ay nabad diidka rabeen in shacabka ku dhibaateeyaan”ayuu yiri Col. Khaasim Axmed Rooble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shalay ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen mootada loo yaqaano bajaajta oo walxaha qarxa saarnaayeen, isagoo xusay in lala qabtay ruuxii waday sida uu yiri.

Inkastoo ciidamada dowladda ay howl gallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan magaalada, hadana mararka qaar waxaa dhaca qaraxyo iyo dilal, iyadoo bishii hore ay aheyd markii qarax ismiidaamin ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay Hotelka Central.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!