Ciidammada dowladda oo howlgal ka wadda degmada Kaxda

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidamada dowladda  iyo midowgga Africa AMISOM ayaa subaxnimadii hore ee saakay howl gallo ka bilaabay degmada Kaxda ee koofurta Muqdisho, iyadoo ciidamada ay guri guri u baarayaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaa saakay howlgalka lagu qab qabtay tiro dad ah u badan dhalinyaro, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqii guud ee degmada.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in boqolaal dhalinyaro ah oo howl galka lagu qabtay la isugu geeyay meelMuqdisho barxad ah, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in howl galkan uu ka dambeeyay markii la helay warar sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay xilliyadii habeenkii soo galaan degmada Kaxda, iyadoo bishii hore weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmadaas.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan oo gaari wadatay ayaa saakay ku dilay Garaash ku yaal Xaafada Sey-biyaano ee degmada Hodan askari ilaalo ka hayay garaashka, waxaana ay kooxihii hubeysnaa durba ka carareen goobta, iyagoo gaadiidkooda ku baxsaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!