Ciidammada dowladda oo kaabiga ku haya deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Muqdisho  : HN :– Ciidammada dowladda oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay ku sii jeedaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan degaannada

Cadale iyo Raage Ceelle.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaano ku dhow dhow Raage Ceelle iyo Cadale, isla markaana howl galkooda yahay ku wajahan yahay degmooyinka kale ee ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ku sugan yihiin deegaanka Qorilow oo horay u aheyd xero ciidan dowladdii Siyaad Barre,Ciidamada-AMISOM-oo-galaya-Qoryooley (1) halkaasoo ay saldhigyo ka sameysteen.

Ciidamada huwanta ayaa la sheegay inay mareen wadada xeebta ee ka baxda Warshiikh ee aada degmada Cadale oo ah degmo istiraatiiji ah oo leh xeeb, halkaasoo ay doonayaan inay isku xiraan wadada dhinaca Xeebta ee Muqdisho iyo Cadale.

Qorshan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qeyb ka ah howlgalka loogu magacdarray Badweynta Hindiya oo bilowday dhamaadkii bishii hore ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM kula wareegeen degmooyin dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka talinayeen.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!