Ciidammada dowladda oo la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Janaalle ee gobolka Sh/hoose

by admin | Monday, May 25, 2015

Sh/hoose : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya isaga baxeen deegaanka Janaalle ee gobolka Sh/hoose,

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay shalay gellinkii dambe illaa xalay isaga baxayeen deegaankaas, waxaana dadka deegaanka sheegeen in deegaanka aysan wax ciidamo ah ku sugneyn haatan.

Deegaanka Jannaale oo ah dhul beeraley ah ayaa waxaa ka taaga xiisado u dhexeeya kooxo horay ugu dagaalamay deegaanno dhowrJanaalle ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo heshiis la dhexdhigay.

Illaa hadda lama oga sababta ay ciidamada dowladda Somalia uga baxeen Jannaale; sidoo kalena kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda deegaanka Jannaale.

Goob-joogayaal ku sugan Jannaale sheegaya in xalay oo dhan ay cabsi ku jireen, ayna baqdin ka qabaan in deegaankooda lasoo weeraro; iyadoo wararka qaar ka mid ah ay seegayaan inay Al-shabaab ku wajahan tahay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaanahan ay Al-shabaab weerarro is-daba-joog ah ku haysay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Daaru—salaam oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay horay uga baxeen cidamada AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!