Ciidammada dowladda oo la wareegay deegaanno hoostaga degmada Baraawe

by admin | Wednesday, Oct 1, 2014

Baraawe  HN –Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM in ay gacanta ku dhigeen deegaanno hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

“Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa kala wareegay Al-shabaab deegaanno dhowr ah oo ay ka mid tahay Maryan-gubaay, xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaana intii aanay ciidanku gaarin ayay isaga baxeen,” ayay yiraahdeen sarakiishan ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidammada  ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada Baraawe ayaa waxaa muddo toddobaad gudahood ay Al-shabaab ku dileen shan qof oo isugu jira afar dhallinyaro oo rag ah oo00000000000 lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin iyo haweeney ay sheegeen inay isla guursatay mar keliya saddex nin oo aan is-geyn.

Howlgallada ay deegaannada cusub kaga qabsadeen Al-shabaab ayay saraakiishu ku sheegeen inay qayb ka tahay wajiga labaad ee howlgalka ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan gobollada ay dalka kaga sugan tahay Al-shabaab.

Inkastoo aanu jirin hadal arrintan ku saabsan oo dhinaca Al-shabaab weli ka soo baxay ayaa haddana saraakiisha dowladdu waxay sheegayaan inay ka go’an tahay inay la wareegaan gacan ku haynta degmada Baraawe oo ay ku tilmaameen midda ugu weyn ee ay doonayaan inay qabsadaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla, iyadoo wararka hoose ee dowladda laga helayo ay sheegayaan inuu socdo qorshe dalka oo dhan looga billaabayo howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!