Ciidammada dowladda oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Tuesday, Mar 10, 2015

Shabeellaha hoose’  : HN :–Wararka naga soo gaaraya  gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xalay weerareen deegaanka Masaajid Cali-guduud, halkaasoo ay fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ay ciidammada ku qaadeen deegaankaas oo Al-Shabaab saldhig u aheyd.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegaya in deegaanka ay lacago kaga qaadi jireen gaadiidka Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa fariisinkaCiidamada_Dowladda_&_kuwa_AMISOM kaliya ee canshuuro gaadiidka mara halkaas looga qaado.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad labada dhinac ku dhex maray muddo kooban, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen inay kaga dileen Al-Shabaab saddex ruux, isla markaana kaga soo furteen hub fudud.

Deegaanka Masaajid Cali-guduud ayaa marin u ah baabuurta xamuulka ah ee aada dhinaca waqooyi, gaar ahaan baabuurta isaga kala gooshta Muqdisho, Sh/Dhexe ilaa Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa sanadkii hore la wareegay deegaano ka tirsa Sh/Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale iyo Raagge Ceelle.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!