Ciidammada dowladda oo soo furtay gabar 14 sanno jir ah

by admin | Sunday, May 10, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliis iyo nabad-sugid ayaa soo badbaadiyay gabar yar oo la sheegay inay jirtay 14-bilood,taaso muddo labo maalin ka badan loo haystay afduub ahaan,sida waxaa sheegay saraakisha ciidanka.

Taliyaha saldhigga booliska suuqa Bakaaraha,Xuseen Siciid Jimcaale ayaa sheegay in markii lagu soo wargeliyay gabadha yar ee la afduubtay ay sameeyeen howl gal baadigoob ah, dabadeedna ay ka soo heleen goob lagu qarinayay oo guri jiinkad aheyd.

“Markiiba waxaa ka howl galnay inaan baadigoobka gabadha la afduubtay oo 24-saac maqneyd, waxaana ka soo helnay, meel qashin130 guri ah, oo ay adag tahay in qof ku noolaado, aabaha gabadha dhalay ayaa taliska booliska soo wargeliyay oo ah in gabadhiisa la afduubtay, laguna xiray lacag madax furasho gaareysa 10-kun oo doollar”ayuu yiri Taliyaha.

Falkan waxaa ay ciidamadu usoo qabteen dhowr ruux oo la sheegay in lugu tuhun san-yahay afduubka gabadha yar,waxaana saraakishu sheegeen in dadka maxkamad hortaagi lahaayeen.

Sidoo kale,aabaha dhalay gabadha yar ee la afduubtay oo lagu magacaabo Maxamuud Cismaan ayaa sheegay inay layaab ku noqotay in gabadhiisa lagu hayay meel ku dhow gurigiisa.

“Anniga layaab ayay ila aheyd gabadheyda oo meel guri ii dhow ah in lagu hayay, kooxihii afduubtay ayaa gabadha markii ay banaanka guriga ka wateen isoo wacay, waxayna i dhaheen hadaadan keenin 10-kun oo doolar gabadhaada oo meyd ah ayaa banaanka ku soo dhigeynaa”ayuu yiri aabaha dhalay gabadha oo markii hore ka wal walsanaa xaalada gabadhiisa.

Ugu dambeyn,dhacdadan ayaa aheyd tan ugu hadal heynta badan ee ka taagneyd magaalada Muqdisho, waxaana dadka dib u soo xusuusteen dhacdooyinkan oo horay Muqdisho ugu dhici jiray xilliyadii hogaamiye kooxeedka, xilligaasoo dadka ladan caruurtooda inta la qafaasho la weydiisan jiray lacago madax furasho ah.

Hiiraan Net.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!