Ciidammada Itoobiya oo faarujiyay qeybo ka mid ah gobolka Galguduud

by admin | Thursday, Jan 8, 2015

Galguduud : HN :–Ciidamada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa la sheegay inay isaga baxeen xalay saqdii dhexe deegaannada Ceel-garas iyo Ceel-la-helay oo kawada tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia una dhexeeya degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuuso-mareeb.

Dad ku sugan  gobolka Galguduud ayaa sheegaya inay xalay saqdii-dhexe ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaannadooda oo ay fariisimo kala duwan ku lahaayeen, iyagoo xusay inay dib ugu soo laabteen deegaankaas xoogaggii Al-shabaab ee horay looga saaray.

Guddoomiyaha degmada Ceel-garas oo ka mid ah meellaha ay ciidamada ka baxeen ayaa sidoo kale dhinaciisa sheegay incidamadaitob ciidamada ay Dhuusa-mareeb u doonteen raashin iyo alaabo kale oo ay u baahan yihiin, ayna dib ugu soo laaban doonaan deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan laga bedelay deegannadan, laakiinse ay ka baxeen intii aysan soo gaarin ciidamadii ka bedeli lahaa, taasoo aan la ogeyn sida ay ku dhacday.

Maamulka gobolka Galguduud ee dowladda Soomaaliya iyo taliska Itoobiya ee AMISOM ka tirsan midna weli kama uusan hadlin ciidamada la sheegay inay isaga baxeen deegaan-nada Ceel-la-helay iyo Ceel-garas.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Itoobiya ayaa horay uga baxay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, kuwaasoo ay dib ugu laabatay Al-shabaab sida degmada Ceel-buur oo ay mar kale ku laabteen ciidamada Itoobiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!