Ciidammada Itoobiya oo isaga baxay magaalada Cadaado

by admin | Wednesday, Jul 29, 2015

Cadaado : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaa gabi ahaanba isaga baxeen ciidammada Itoobiya ee ku sugnaa mudadii uu socday shirkii lagu soo dhisay maamulka Galmudug.

Ciidammada ayaa isaga tagay degmada, kaddib markii ay ku war-galiyeen maamulka Galmudug waqtigii loogItoobiyaannnu talagalay in ay halkaa joogaan.

Ciidammada ayaa la sheegay in ay gaareen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, halkaasoo horay Ciidamo Itoobiyaan oo qeyb ka ahaa AMISOM ku sugnaayeen.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Galmudug ayaa la wareegay sugida amniga goobaha kala ah xaruntii Kafaalo, xarunta Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano ayaa ku sugan Cadaado oo xilligan ah xarunta KMG ah ee Galmudug, maadaama Caasimada maamulkaas ee Dhuusa Mareeb ay gacanta ku hayaan Ahlusuna.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!