Ciidammada Kenya oo cayaartooy caan ah ku dilay magaalada Mandheera

by wadani | Tuesday, Dec 29, 2015

Mandheera : HN :– Saraakiisha maamulka degmada Mandheere ee gobolka W/bari Kenya ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay soo xirto, islamarkaana Cadaalada horkeento Askartii ka danbaysay Dilka Labo Qof oo Shacab ah.

Guddoomiyaha magaalada Mandheera Cali Roobow ayaa sheegay in ay sii waddi doonaan Kacdoonkooda ka dhanka ah dowladda Kenya ilaa laga soo xiray kuwii dilay Ciyaarayahan kubbada catga oo lagu magacaabi jiray Abdirahman Rahoy, oo loo yaqaanay Maney iyo Darawalkiisa Adan Nyanya.BANDOW-KA-QASHAN-GASHAY-MANDHEERA1

Saraakiisha Ciidanka Booliska Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegay in Rasaas ku furay Gaariga Ciyaarayahanka, kadib markii uu ka dhega-adeegay Darawalkiisa inuu joojiyo Gaariga si loo baaro, waxaana ay uga shakiyeen inay Al shabaab yihiin.

Gaariga Ciyaarahankan ayaa waxaa lagu rasaaseeyay meel u dhaw Green View hotel oo ku yaalla Suuqa Qaadka lagu iibiyo ee magaalada Mandera maalintii Shalay.

Dilka Labadaasi shacabka ah ayaa keentay in Isku dhacyo iyo Rabshadao xoogan oo u dhaxeeya Shacab caraysan iyo Booliska ay ka dilaacaan magaalada Mandheera, waxaana xaalada lagu soo waramayaa inay tahay mid aad u kacsan.

Taliyahaha Booliska Mandheera  Fredrick Shisia ayaa sheegay in Booliska ay helaan Xog hoose oo ah in Gaariga Ciyaarahanka la dilay uu wado walxaha qarxa, kadibna ay Rasaas ku fureen markii uu diiday amar ah inuu joojiyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!