Ciidammada Kenya oo dad u qab qabtay weerarkii Jaamacada Gaarisa

by admin | Saturday, Apr 4, 2015

Gaarisa : HN :–Saraakiisha ciidammada Kenya ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen ilaa shan ruux oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen weerarkii Khamiistii ay Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay ilaa 150-ruux.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa afar ruux oo bad-qabay jimcihii shalay laga soo saaray gudaha Jaamacadda, kuwaasoo labo ka mid ah laga shaki qabo inay weerarka ku lug lahaayeen.

Mid ka mid ah raggaas oo aanay Ardaydu aqoonsan ayaa u dhashay Tanzania, halka ruuxa kalena aan la garan.

Dadkan ayaa qaarkood la qabtay  xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay wasaarada amniga gudahaxarig Kenya

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadeyso weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya, iyadoo jawaab uga dhigeyso in Ciidamada Kenya qeyb ka yihiin howl galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii digniin soo baxday 25-kii bishii hore ayaa muujisay in la hayay macluumaad sheegayay in la weerarayo jaamacado ku yaal Kenya, waxaana si aad ah wax la isaga weydiinayaa dabacsanaanta xaga amniga iyo in Jaamacadaha qaar ay lahaayeen kaliya labo ilaalo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!