Ciidammada Kenya oo qabtay haween lala xiriirinayo Al-shabaab

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Kenya : HN :–Saraakiisha Kenya, ayaa sheegay in ay qabteen  saddex haween ah kuwaas lala xiriiriyey iney ka tirsanyihiin Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta kenya.

Guddoomiyaha magaalo xeebeedka Mombaca Nelson Marwa oo la hadlay warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in Saddexda dumarka ah lagu qabtay magaaladda Ceelwaaq oo kutaala xadka ay wadaagan kenya iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Saddexda dumarka ah uga shaki qabeen iney ku biiraan Ururka al-Shabaab kuwaas oo markoodii hore 370x288x7441c10f4b8b19f71d9b61d7b03c529e99009aab.jpg.pagespeed.ic.JTyy3Ml7j6kasoo tagay magaaladda mombaza kuna wajahnaa gudaha dalka Soomaaliya.

Saddexdan dumarka ah ay qabteen Ciidamada kenya oo laba kamid ah da’doodu u dhaxeyso 20-21 jir ayaa u dhashay dalka kenya halka haweeneyda Saddexaadna u dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Tanzania ,waxaana ku socota baaritaan.

Ilo wareedyo laga helaayo dalkaas kenya ayaa sheegaya in Umulkheyr Sadir Cabdulle oo 19-jir isla markaana hoggaamineysay haweenkan ay damacsanaayeen iney ku biiraan Ururka al-Shabaab.

Dawladda kenya ayaa ka dhawaajisay in dadka ugu badan ee doonaya iney ku biiraan Ururka al-Shabaab ay safraan magaalooyinka Mombaza io Malinda iyo kuwa kal,waxayna dawladu xabsiga dhigtay 54 qof ay ka shakisantahay.

Dalalka reer galbeedka ayaa marar badan digniin kasoo saaray Xaalada dalka kenya ,waxayna muwaadiniintooda uga digaan iney ku safraan dalkaas kenya maadaama la filan karo Ururka al-Shabaab wax ka geysto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!