Ciidammada maamulka gobolka Hiiraan oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka

by admin | Friday, Mar 20, 2015

Beledweyne : HN :–Ciidammada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay la wareegay deegaanno iyo fariisimo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidammada oo ku hubeysan gadiidka dagaallka qaarkoodna lugeynaya ayaa u dhaqaaqay deegaannada bariga kaga beegan magaalada Beledweyne, waxaana u suuro-gashay duruba inay gaaraan deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka ee howlgalka qeybta ka ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammadooda xiligan ku sugan20148196354404306945448827 yihiin deegaanka Taree-jente oo 35-km dhinaca bariga uga beegan magaalada Beledweyne, gaar ahaan waxaa ay sheegeen saraakiisha in ciidanku fariisin ka dhigteen deegaan lagu magacaabo Bakaare-Buslle.

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaannada ku teedsan galbeedka gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidammada maamulka iyo AMISOM oo wadda jira gaareen deegaanka Buq-aqablle oo qiyaastii 60-km u jira degmada Buula-burte.

Goobaha qaar waxaa la sheegay ay jireen iska horimaadyo dhaxmaray ciidamada is-gara-bsanaya iyo xoogagga Al-shabaab lamana oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay iska horimaadka labada dhinac.

Gudddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in howl-galkan bilow u yahay qorshe ballaaran oo la doonayo sidda uu hadalka u dhigay in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka, gaar ahaan deegaannada ku hareereysan degmada Buula-burte si loo soo afjaro cunaqabateynta mudada dheer saarneyd degmada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!