Ciidammada maamulka K/galbeed oo howlgal ka wadda magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Jun 16, 2015

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegay in halkaa howl-gal ballaaran ka waddaa ciidammada maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koofur Galbeed C/fataax Geesey ayaa sheegay in howl galladan lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM ee Itoobiya ayaa saaka Baydhabo ka bilaabay howl gal ballaaran oo guri guriBaydhabo_Somalia_HOL ah, waxaana howl galkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada, sida Ganacsiga, goobaha waxbarashada iyo isu socodka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay xireen wadooyin badan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in howl galku ahaa mid si aad ah u saameeyay.

Inkastoo ay tahay xilli hore, hadana wali cidna laguma soo qaban, hase ahaatee ciidamada ayaa dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dadka degan guryaha, tiradooda iyo waxa ay ka shaqeeyaan.

Ugu danbeyntii howlgalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkii hore dagaalo culus ay ka dhaceen agagaarka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, halkaasoo kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!