Ciidammada midowga Africa oo Soomaaliya ka baxaya doorashada kaddib

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Muqdisho : HN :-Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la sheegay in la soo gaba-gabeyn doono marka ay dalka doorasho ka dhacdo,sida uu sheegay wakiilka gaar ka ah ee dalalka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire,Francisco Jose Madeira wuxuu caddeeyay in ururka Midawga Afrika uu wado qorshe uu ciidamada AMISOM Soomaaliya uga saarayo waxa ka dambeeya marka ay soo dhamaadaan hawlaha doorashada.

Francisco Jose Madeira waxaa uu ku sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi in ciidamada AMISOM si tartiib ah Soomaaliya looga saarayo kaddib doorashada sanadkaan ka dhacaysa,wuxuuna marka tilmaamay in qorshahaan uu yahay mid go’aankeeda ay gaareen madaxda ururka Midawga Afrika.

Danjire Madeira waxaa uu sidoo kale sheegay inay hadda wadaan diyaarinayaan qiyaastii 10 kun oo askari oo Soomaali ah kuwaasoo loogu talo galay inay la wareegaan hawsha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxuu ku baaqay dawladaha ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda Soomaaliya oo ay dhana la safan sida uu yiri.

Ururka Midawga Afrika Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 20 kun oo askari kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab waxaana ciidamada AMISOM joogaan muddo ku dhawaad 10 sanno ah.
_

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!