Ciidammada nabad-sugida gobolka Hiiraan oo hellay walxaha qarxa

by wadani | Monday, Nov 28, 2016

Beledweyne : HN :-Ciidamada Nabad Suggida ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, ayaa gacanta ku dhigay Keyd badan oo waxyaabaha qarxa ah, kuwaasi oo Al Shabaab ay ku keydsadeen deegaanka Ceel gaal ee Gobolka Hiiraan.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada NISA, ay ka sameeyeen deegaanka Ceel gaal ayaa lagu soo qabtay keydkaan Qaraxyada ah ee Shabaab halkaasi ku diyaarsadeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada NISA oo lagu magacaabo Xasan Kaafi Maxamed Ibraahin, ayaa Warbaahinta u sheegay xogo ay heleen ciidamada kadib inay ugu suuragashay soo qabashada keydkaasi qaraxyada ah.

Xasan Kaafi ayaa ku tilmaamay goobta ay qaraxyada ka soo qabteen inay aheyd Bakhaarka Qaraxyada Al Shabaab, deeganada kale ee Gobolada dalkana ay u sii gudbin jireen.

“Ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen Keydkii Shabaab ay ku keydsan jireen waxyaabaha qarxa, hubkii ay la damacsanaayeen inay ku qarxiyaan Shacabka Somaliyed, waxaan u mahadcelinayaa howlgalkii aan halkaasi ku tagnay waxaa qayb ka ahaa oo gacan nagasiiyay meeshii miinooyinkaasi ku aasnaayeen, Ciidanka Booliska Somaliyed, gaar ahaan ciidanka Miino Baarista.” Ayuu yiri Sarkaalkaan ka tirsan ciidanka NISA.

Shabaab ayaa qaraxyada waxa ay ku diyaariyaan Gobolada dalka Somaliya, kadibna waxa ay ku weeraraan goobaha ciidamada ay ka joogaan Gobolada.

Ugu danbeyntii, saraakiisha NISA ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo qaraxyada Shabaab lagu baadigoobaayo.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!