Ciidammada Sierra Leone oo gabi ahaanba isaga baxay dalka Soomaaliya

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Kismaayo : HN :–Ciidamadii ka socday dalka Siera leone ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya, iyadoo ciidamadani ay dib ugu laabteen wadankooda.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay 900 oo askari islamarkaana intooda badan ku sugnaa gobolka J/hoose ayaaSeirra-Leone-7 maanta waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka daadgureeyay diyaarado ay leeyihiin Qaramada Midoobay.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka yaa sheegay in ciidamada Sieralone ay gabi ahaanba isaga baxeen Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu soo bedeli doono ciidamo ka iman doona dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Masuulkan ayaa sheegay in dalka Kenya ay ka iman doonaan 450 askari halka Itoobiyana ay ka iman doonaan 450 – kale, kuwaasoo badali doona ciidamada maanta isaga baxay dalka ee ka socday Sieraleone.

Ciidamada ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid dalka dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadda 2013, iyadoo ciidamadaasi ay ku kala sugnaayeen degmada Kismaayo iyo weliba deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!