Ciidammadii isku hor fadhiyay magaalada Gaalkacyo oo la kala qaaday

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Gaalkacyo : HN :-Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in la kala qaado ciidamadii isku hor fadhiyay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa sheegay in xaalada magaalada Gaalkacyo ay aad u degan tahay, isla markaana dadkii ka barakacay magaalada ay maanta bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan magaalada.

“Xaalada Magaalada aad bey u degan tahay, shalay ilaa doraad shaqooyin aad u waa weyn la qabtay, markii heshiiska Wasiir_Odawaa_Cadaado_GG_Somaliala saxiixay xoogaa dhibaatooyin dhaceen, balse waxaa lagu guuleystay in wax walba la xaliyo, labada dhinacna ay heshiiska nabadeed adkeeyaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiir odawaa ayaa sheegay in wafdi uu horkacayay madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka koobnaan xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo guddigii isku dhafka ahaa ee labada dhinac, kormeereen kormeeray goobihii lagu dagaalamay, ayna xaaladooda aheyd mid degan, isagoo xusay in ilaa shalay laga shaqeynayay kala qaadista Ciidamada.

“Guddi Saraakiil oo isku dhaf ah ayaa la sameeyay, ilaa shalay waxaa laga shaqeynayay in la kala qaado ciidamada, waana lagu guuleystay, xabad joojintii waa dhaqan gashay, kala qaadistii ciidamadana waa dhaqan gashay, maanta ayaana la soo dhameeyay howshaas”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada la kala qaaday ay dib ugu laabteen xerooyinkooda, kuwii soo gurmadayna ay dib ugu laabteen magaalooyinkii ay ka yimaadeen.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay nabadgelyada ka shaqeeyaan, isla markaana dhacdooyin yar yar ay dhici karaan, balse loo baahan yahay in wax walba nabada ka wanaagsan tahay sida uu yiri.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay iyo madaxda Maamul goboleedyada ay muddo 10-maalmood ku sugan yihiin Gaalkacyo, isla markaana ku guuleysteen in xal laga gaaro colaada Gaalkacyo.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!