Ciidammado la wareegay halka uu ka socdo shirka dhismaha maamulka Hiiraan State

by wadani | Tuesday, Oct 11, 2016

Beledweyne : HN :-Ciidammo ka tirsan maamulka dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay la geeyay Baar Xasssan Dhiif oo ah halka uu ka socda shirka dhismaha maamulka Hiiraan State.

Milkiiyaasha Baarka qaarkood oo aan la hadlnay ayaa inoo sheegay in ay mar kaliya ka war helleen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isku gadaamay xarunta maxaaqida, kuwaa oo fariisin ka sameystay gaar ahaan goobtii inta badan shirarka lagu qaban jiray.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira ciidammada saakay la geeyay Baar Xassan Dhiif.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii tiro ka badan 400 oo ergo ah halkaa ku ansixiyeen dastuurka uu yeellanayo maamulka gobolleedka Hiiraan State, lamana oga sidda dhismaha maamulkan uu ku sii socon doono.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!