Ciidammo booliis ah oo tababar loogu soo xirray Beledweyne

by admin | Wednesday, Jan 28, 2015

Beledweyne : HN :– Munaasabada tababar loogu soo xirray ciidamada oo tiradoodu dhameyd 260 askari waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax, saraakiisha ciidammada booliiska Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Col Isaaq Cali Cabdulle oo ah taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan oo munaasabada ka hadllay ayaa sheegay in tababarka mudadii uu socday ay casharo ka bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM gaar ahaan macalimiin ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka midowgga Afirca.

”Intii uu tababarka socday waxaa la baray ciidamada sugida ammniga gudaha, la dhaqanka bulshada, ka hortaga fal-danbiyeedyada iyo marka uu falku dhaco kaddib sidda loo baaro ayuu yiri” Col Isaaq Cali Cabdulle.

Taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ahna taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Col Maria Bayane oo munaasabada kaDCIM101MEDIA hadllay ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay u shaqeeyaan dadkooda, iyaga oo shaqada ku dabaqaya waxyaabihii ay soo barteen, waxaana uu ku amaanay ciidamada tababarka loo soo xirray dul-qaadkii ay muujiyeen.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in tababarada noocan oo kale ah noqon doonin kuwo intan oo kaliya ku eg, laakiin la joogteyn doono sidda uu hadalka u dhigay, waxaana uu ballan-qaaday in ka maamul ahaan dowladda u weydiin doonaan ciidamada xuquuqaha ay leeyihiin.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa xoogga saaraya dhismaha ciidamada waxaana bilihii ugu danbeeyay tababar kala duwan loo soo xirray ciidammo isugu jira booliis, militari iyo nabad-sugid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!