Ciidammo isku dhaf ah oo isku diyaarinaya weerar ka dhan ah Al-shabaab

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Muqdisho : HN :–Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa diyaar garow ugu jira sidii duulaan ballaaran ugu qaadi lahaayeen deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay socdaan Qoryooley iyo Buulo Mareer, halkaasoo ciidamo fara badan ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Cismaan Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay inuu socdo diyaar garow ku wajahan sidii dhamaadka bishan ama bisha soo socoda loo qaadi lahaa duulaankii labaad.

“Degmada waxaa ku sugan ciidammo isugu jira, kuwa dowladda, AMISOM iyo kuwo Mareykan ah, kuwaasoo isku diyaarinaya inay weeraraan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa kale ee Koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiyaha oo aan tafaasiil intaa ka badan bixin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in howlgalku uu billaaban doono bisha soo socda ee Oktoobar horraanteeda, balse wuxuu kaamis gaabsaday inuu xuso rasmi ahaan maalinta uu billaabanayo howlgalka.

“Arrintu waa mid ciidan, mana doonayo inaan halkan ka sheego xilliga rasmi ahaan uu billaabanayo, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in howlgalkan goor-dhow uu billaaban doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan.

Dhanka kale, gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay inay jiraan rag ka tirsan Al-sbabaab oo isku soo dhiibay dowladda, kuwaasoo uu xusay inay sheegeen inay isi soo dhiibeen iyagoo ka faa’iideysanaya 45-kii cisho ee ay dowladdu horay u qabatay.

Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo guddoomiyaha gobolkaas uu ka dhawaajiyay shalay oo Axad ahayd in howlgalka hakad loo geliyay sababo la xiriira waqtiga ay dowladdu u qabatay xubnaha kasoo baxaya Al-shabaab.

Xarkada Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu ka mid yahay gobolka Jubbada dhexe oo ay iyadu ka taliso gabi ahaantiis.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!