Ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Buula-burte

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Buula-burte : HN :– Duqa degmada Buula-burte Cismaan Geedi oo goor dhaw aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in boqolaal ciidammo Itoobiyaan ah soo gaareen degmada, kuwaa oo la fillayo in ay galbiyaan gadiid sidda gargaar raashin ah oo loogu talagalay degmooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

Duqa degmada Buula-burte ayaa sheegay in ciidammadan aysan aheyn kuwo loogu-tagalay in ay sii joogaan degmada, laakiin ujeedada socdaalkoodu yahay oo kaliya in ay  galbiyaan gadiidka sidda raashinka.

“Waxaa degmada soo gaaray ciidammo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM oo gudbin doona raashin gargaar ah oo kun1 socda Buulo-burte, dhawaanahan ayaana la filayaa inay gaadiidka sida raashinkan gargaarka ah ka kexeeyaan degmada,” ayuu yiri Cismaan Geeddi.

Gargaarkan ayaa degmada Buula-burte waxaa soo gaarsiiyay ciidammo isugu jira kuwa dowladda  Soomaaliya iyo AMISOM oo ka soo galbiyay degmad Jalalaqsi.

“Raashinka loogu talo-galay shacabka Buulo-bute ku nool waa sideed gaari oo keliya, mana ahan wax ku filan, waayo degmadu muddo sanad ah ayay go’doon ku jirtay, waxaana shacabka ugu qaybin doonnaa sida ay u kala daran yihiin. Lama dhihi karo waa mid ku filan, balse waa mid dhiig-joojin ah,” ayuu hadalkiisa ku daray duqa Buulo-burte.

Ugu danbeyntii degmooyinka Buulo-burte, Maxaas iyo Ceelbuur ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee ay go’doominta gelisay Xarakada Al-shabaab, kaddib markii laga qabsaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!