Ciidammo Itoobiyaan ah oo la fillayo in ay ka howlgallaan Jubbooyinka

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Kismaayo : HN :– Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay kordhineyso tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kaddib markii Sierra Leone ay shaacisay in ciidamadeeda dib loogu celinayo dalkooda.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo Isniinti magaalada Addis Ababa kula hadlay weriyeyaasha, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay codsi kasta oo ka yimaada Midowga Afrika oo lagu doonayo ciidamo beddelo kuwa kasta oo ka baxaya howlgalka AMISOM.

In ka badan afar kun oo askari ayaa Itoobiya ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Gen. Samuel Omar Williams, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan millateriga Sierra Leone, ayaa sheegay in ciidamadoodaCiidanka-Itoobiya-Dhuusamarreeb2-6 qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, kaddib markii la hakiyay ciidamo ka socda Sierra Leone in la geeyo Soomaaliya, iyada oo laga cabsi qabay in cudurka Ebola uu ku faafo dalka.

Sierra Leone waxay ka mid tahay waddamada ku yaalla Galbeedka Afrika ee sida ba’an uu u saameeyay cudurka Ebola, WHO ayaa sheegtay in cudurku uu dilay in ka badan 7,000 oo qof, kuwaas oo badankood ku dhintay gudaha dalka Sierra Leone.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!