Ciidammo Jabuutiyaan ah oo loo diiday in ay u gudbaan degmada Cadaado

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Matabaan : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM leyska hor taagan in ay u gudbaan degmada Cadaado oo la fillayo in uu ka furmo shirka dhismaha mamaulka gobollada dhexe.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidammada Jabuuti xalay ku baryeen duleedka Matabaan, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka soo baxeen Beledweyn oo talis u ah.

Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay  u diideen ciidammada in ay maraan Matabaan, si ay ugu sii gudbaan Cadaado, Jabuuti-Hwaxaana la soo sheegayaa in duleedka Matabaan ay isku hor fadhiyaan Ciidamadan iyo kuwa Ahlusuna.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ay yihiin ciidamo aad u xoogan, waxaana socda waan waan ku aadan sidii ciidamadaas ay si nabad ah ku mari lahaayeen.

Ahlusuna ayaa horay u qaadacday shirka maamul u sameynta gobolada Dhexe oo in muddo ahba uu ka taagnaa muran iyo kala aragti duwanaansho la xiriirtay halka uu rasmi ahaan shirkan ka dhacayo.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada AMISOM ayaa ka qeyb qaadan doona sugida ammaanka shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dhowr jeer dib u dhac qorshe Ciidamada AMISOM lagu geyn lahaa Cadaado

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!