Ciidammo ka tirsan AMISOM oo qarax lagu weeraray, Sh/hoose

by admin | Saturday, Sep 5, 2015

Sh/hoose : HN :–Xoogaga Al-shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku weeraray Gaadiid Kolonyo ah oo ay Wateen Ciidammo ka Tirsan kuwa AMISOM, Kuwaasoo marayay duleedka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose oo Todobaadkii lasoo dhaafay lagu weeraray Ciidamada AMISOM.

Cali Nuur oo ka tirsan mas’uuliyiinta gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday gaadiid ay askar ka tirsan amisom2AMISOM wateen, inkastoo uusan sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ismiidaamint ah ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada AMISOM, iyadoo goobjoogayaal ku sugan deegaanada uu ka dhacay Qaraxan ayaa sheegay inay jiraan khasaarooyin ka dhashay balse aysan ogeyn inta uu le’eg yahay.

“Way jirtaa in Qarax ayaa lala beegsaday Gaadiid Kolonyo ah oo AMISOM ay leedahay, kuwaasoo marayay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, mana garan karno khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Cali Nuur oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska AMISOM Weli kama hadlin Qaraxa ay Xarakada Al-shabaab Maanta la beegsatay Kolonyo Gaadiid ah oo ay leeyihiin oo Marayay Duleedka Jannaale; iyadoo Qaraxaan uu imaanayo xilli deegaanno ka tirsan Gobolkaas ay Ciidamada AMISOM isaga soo baxayeen tan iyo shalay.

Dhawaan ayeey aheyd markii markii Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Jannaale oo Qiyaastii 100-km Koonfur kaga beegan Magaalada Muqdisho ay Al-shabaab ku Qaaday Weerar khasaare badan dhaliyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!