Ciidammo ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland oo gadood sameeyay

by admin | Sunday, Sep 13, 2015

Garoowe : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo aan tiradooda la shaacin oo ka mid ah daraawiishta Puntland ay gadood ka sameeyeen maanta xero ay ku jireen oo ku taal duleedka magaalada Garowe.askari

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay diideen ciidammada in ay ka amar-qaataan madaxdooda iyagoo bilaabay in ay rasaas furan taasoo laga maqlay inta badan magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland.

Xerada 54 aad oo ku taal duleedka Garowe ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan ee lagu soo tababarey dalka  Itoobiya, Waxeyna Sheeganayaan in wax mushaar ah aysan qaadan muddo dhowr bilood ah.

Mid ka mid ah askartan gadoodka sameysay ayaa warbaahinta u sheegay in muddo 28 bilood ah aysan wax xuquuq ah helin ciidamada daraawiishta. “Tan iyo markii uu madaxweyne ka noqday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aysan wax mushaar ah helin horana  maamulkii ka horeeyay aysan wax xuquuq ah ka helin.” ayuu yiri Kornel Cali Xirsi Cartan oo ka mid ahaa ciidamadii gadoodka sameeyay maanta.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo si rasmi ah ugaga soo baxay maamulka Puntland, hase ahaatee gadoodka ay sameeyaan ciidamada Puntland ayaa ah mid joogto noqday waxana ay ciidamadan ay sameeyeen gadood kan lamid ah horaantii bishii July ee sanadkii 2014.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!